Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskii Dilka ahaa ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday eedeysanayaasha loo heystay dilka muwaadinkaas Soomaaliyeed oo si xun loo dilay, lana gubay.
Eedeysanayaasha lagu xukumay dilka ayaa waxay kala yihiin Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed, kuwaasoo dil ugu geystay degmada Yaaqshiid 20/09/2018 Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo)
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyana ku eedeysnaa falka dilkaas, waxaana lagu waayay wax dami ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay.
Dhacdadii dilka aheyd ee bishii September ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd midii ugu hadal heynta badan, iyadoo bulshada si adag uga fal celisay, markii ninka la dilay Axmed Dowlo uu u guuriyay wiil uu adeer u yahay gabar, waxaana muranka ka dhashay guurkaas uu sababay in Axmed Dowlo loo dilo arrimo ku saabsan heyb sooc.