Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay maanta (sawiro)

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari horay uga tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Askariga maanta la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadey kaaso oo ay da’diisu ahayd 28 sano jir, isla markaana ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya kaas oo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ku dilay nin la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kiiska askarigan ka fariisatay, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, balse askariga ayaa racfaan ka qaatay xukunka dilka ah ee maxkamada ay ku riday.

Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kiiska askarigaasi la gaarsiiyay ayaa markii la horgeeyay cadeymo iyo marqaatiyaal, kadib maxkamada waxa ay dil ku xukuntay askariga racfaanka qaatay.

Ugu dambeyn gacan ku dhiigle Axmed Cabdi Maadey ayaa saaka lagu toogtay tiirka Iskool Buluusiya, halkaasi oo cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga dalka ay dilka kula fuliyeen.