Qubaro dhinaca ammaanka iyo xubno xilal horay u soo qabtay ayaa su’aal ka keenaya sida xilligan u dayacan yihiin qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Dhacdadii xalay ee lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa waxay banaanka keeneysa, sida aysan Xukuumadda iyo dowladdaba isaga xil saarin amniga Wasiirada qaar.
Baaritaano horu dhac ah ayaa lagu ogaaday in 40% ay Wasiirada Xukuumadda uu amnigooda dayacan yahay, kuwaasoo aan laheyn ilaalo iyo gaadiid aan xabadaha karin.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay labo ka mid ah Ilaalada Hanti dhowrka Guud, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.
Labada askari ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen toogashada Wasiir Cabaas oo ka dhacday nawaaxiga Madaxtooyada, waxaana tan iyo xalay gacanta ku hayay ciidamada ammaanka.
Maxkamadda Ciidamada ayaa deg deg u soo fara gelisay kiiska dilka Wasiirka, iyadoo lagu wado in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhacdo maxkamadeynta.
Guddi baaritaan ayaa la sheegay inay ku howlan yihiin dhacdadii xalay ee lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la soo bandhigo natiijada baaritaanada.
Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu ku koray xerada qaxootiga Adduunka ugu weyn ee Dhadhaab.