Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukuno ku riday Haween Somaliyeed

Maxkamad ku taala Bariga Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii Shalay xukuno adag ku riday laba haween oo Soomaali ah.

Labadan Haween oo lagu kala magacaabo Hinda Cismaan Dhirane oo 46 jir iyo Muna Cismaan Jaamac 36 jir, ayaa lagu eedeeyay in ay internet-ka ka sameeyeen qol lagu sheekeysto kaas oo lacag kumanaan kun ah loogu uruuriyay  xarakadda Al Shabaab,

Maxkamadda ayaa Hinda ku xukuntay 11 sano oo xarig ah, halka Muna ay ku riday 12 sano.

Qareenada Difaacaya Muna iyo Hinda ayaa sheegay in lacagaha  ay u direen dad kunool Soomaaliya oo aan aheyn Shabaab. Sidaas darteedna maxkamadu ay dib u hubiso eedeymaha loo haysto labadan gabdhood,

©Goobsan  Media