Maxkamad ku taal dalka Hindiya oo Dhalinyaro Soomaaliyeed ku xukuntay 7 Sano oo xarig ah

Maxkamad gaar ah ayaa shalay la soo taagay 16 Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ahaayeen burcad badeed iyadoo raggaas lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

Raggan ayaa ku xirnaa xabsiyada ku yaal dalka Hindiya tan iyo sanadkii 2011 waxana loo soo dhoofinayaa dalka Soomaaliya maadaama ay sanadihii lagu xukumay ay xabsi ku jireen.

“Raggan dib ayaa loogu celinayaa wadankooda kadib marka laga soo daayo xabsiga.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamada.

Soo saarista maxkamadan ayaa ah tii labaad iyadoo la filayo in tiro kale maxkamada la soo taagi doono, waxaa hore 15 dhalinyaro ah hore loogu xukumay min toddobo sano oo xarig ah.

Illaa iyo 87 dhalinyaro Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya ayaa lagu wadaa in jimcaha soo socda ama toddobaadka dambe maxkamad la soo taago.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhowaan booqday dalka Hindiya iyadoo labada dowladoo ay heshiis ku gaareen in dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Hindiya loona haysto burcad badeednimada la soo taago maxkamad ayna xukunkooda ku dhamaystaan dalkooda hooyo cidii lagu waayo dambina dib loogu celiyo wadanka Soomaaliya.