Maxay tahay u jeedka Xildhibaanada ka tirsan Galmudug ay u tageen magaalada Dhuusa-mareeb

Sida aan wararka ku helayno Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Magaalada dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay maamulaan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ka soo horjeeda Siyaasada Maamulka Galmudug.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ujeedada ka dambeysa arintaani ay tahay in ay dhabaha usii xaarayaan sidii wada hadal mar kale dib ugu furmi lahaa Maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna oo horay Wada hadalkoodu u fashilmay.

Xildhibaanada tagay Magaalada dhuusa-Mareeb ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 7 Xubnood kuwaas oo weli ku sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb iyadoo aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen Madaxda maamulka gobolada Dhexe oo Dhuusa-Mareeb maamula.

Sababta ay ku tageen Dhuusa-mareeb Xildhibaanada ayaa ah mid adag balse waxay illo Xog ogaal ah sheegayaan in ay wax ka ogyihiin Madaxda ugu sareysa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.