Maxay tahay Sababta Dowlada Muqtaar Roobow uga hor istaagtay inuu tartamo

Wadaadka muqtaar roobow Cali(Abuu Mansuur) oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab,balse shaaciyey inuu ka baxay ayaa shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweynaah koonfur Galbeed.
Saacado kadib dowladda Soomaaliya ayaa shegtay in ay kahor istaagtay in Muqtaar roobow u tartamo Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed.

Wasaaradda Amniga Qoraal ka soo baxay ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo Muqtaar Roobow u diidaya inuu u tartamo Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana ka mid ahaa.

In weli saaran tahay xayiraadii dhaq dhaqaaqa ee uu Caalamka saaray,Xayiraadii Booliska Caalamka iyo xayiraadii dhinaca dhaqaalaha.

Dhorwkaas arrimood ayay dowladda soomaaliya u cugsatay Muqtaar roobow inuusan u tartami karin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,welina dhankiisa wax jawaab ah kama bixin Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.