Maxamed Nuur oo Laba Danbi Lagu Helay.

Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay reer Australia ah oo aan hubaysnayn.Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyada oo rabta in ay ku wargaliso in ay ka shakiday in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo, arrintaasina waxay dhacday 15 Luulyo sannadkii 2017.

Maxamed oo 33 jir ah ayaa toddobaadkii hore qiray in uu rasaasta furay isaga oo ka baqaya in isaga iyo askarigii la shaqaynayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday.

Damond ayaa 40 sano jirtay waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga yoga loo yaqaanno, waxayna ka soo jeeday magaalada Sydney.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay, Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan ka daadagayn”.

Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay guurtidu ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii.

Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay.

Maxkamadda ayaa dhagaysatay in gabadha oo haysatay dhalashada Maraykanka iyo midda Australia in ay dhimatay daqiiqado uun ka dib markii ay la hadashay ninkii ay u doonanayd.

Gacaliyaheeda Don Damond ayay u sheegtay in booliis u yimid ka dib markii ay u wacday si ay ugu wargaliso macquulnimada in tacaddi galmo uu agteeda ka socdo. Balse wax dhib ah oo dariskeeda ka dhacay lama sheegin.

Nuur oo ka sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa.

Maxamed ayaa sheegay in askari Matthew Harrity oo ay wada shaqaynayeen uu ku dhawaaqay “”Oh Jesus!” uuna ku soo laabtay isaga oo buskooladdiisa la soo bixi raba “cabsina ay wajigiisa ka muuqato”.

Maxamed wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in uu toogtay qof aan hubaysnayn ay la noqototay in u dhammaatay