Maxaa lagu gartaa Qofka qaba Cudurka Sokorowga ama Macaanka?

Cudurkani waxaa lagu gartaa dhawr calaamadood oo ay ugu muhiimsan yihiin: 1. Kaadida oo badata, qofkuna hayn waayo,lagana yaabo inay marmar ka baxsato. 2. Haraad siyaado ah, oo uu habeenkii xataa biyo u kaco. 3. Gaajo badan ama safrad. 4. Miisaanka qofka oo luma (Caatow). 5. Araggiisa oo xumaada.

Si kastaba ha ahaatee, Nooca labaad wuxuu u soo siyaadaa si tartiib-tartiib ah, dadka qaarkoodna iyadoo sonkorta dhiigu sarayso ayaan wax calaamad ahi ka muuqan, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in laga feejignaado.

Calaamadaha Nooca 1aad: Sida badan bukaanka qaba nooca 1aad calaamaduhu si degdeg ah ayay uga soo if-baxaan, cudurkana horay ayaa laga gartaa, calaamadihiisana waxaa ka mid ah: · Oon Siyaado ah · Kaadi badan · Miisaan lumid · Daal & Caajis · Lalabo ama yalaalugo · Matag

Calaamadaha Nooca 2aad: ·Oan Siyaado ah · Kaadi Siyaado ah · Xiisaha Cuntada oo siyaada (Appetite) · Daal Iyo Caajis · Aragga oo xumaada · Bogsadka nabarada oo daaha. · Ragganimada oo yaraata (Galmada).

Haddaba qofkii isku arka calaamadahaas waa inuu degdeg ula xiriiraa dhaqtar hubiya, cudurka sonkorowga qofka muddo dheer ayuu u qarsoonaan karaa, calaamadaha qaarna aysan ka muuqan.