Maxaa ka cusub wada hadaladii Galmudug iyo Ahlu-sunna?

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wada hadaladi dhex mari lahaa Galmudug iyo Ahlu-sunna aysan wali furmin hase ahaate waxaan la ogayn sababaha uu u furmi la’yahay wada hadalkaas ayadoo warar hoose ay sheegayaan in Ahlu-sunna laga dareemayo caga jiid ku aadan wada hadaladda, waxaana shalay ilaa daraad baaqday wadda hadalka labada dhinac uga furmi lahaa Magalada Muqdisho.
Maamulka Galmudug ayaa go’aan ka soo saaray Wadda hadlka weli ka furmi la Muqdisho.
Wasiirka Dib uheshinsta Dowlada Galmudug cismaan cali ayaa sheegay in Koxda Dhusa mareeb ay weli ka Caga jidayaan wadda hadalkii horey loogu balan sanaa ee Garwadeenka ka ahayd Dowladda Somaliya
Wuxuuna sheegay in heshiskaan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Bulshada Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka ayaa sheegay in Maalmo ka dib markii wax go,aan ah laga waayo Koxda Ahlu-sunna ee Dhusa mareeb ay Go,aan ka qaadan donaan si Galmudug Halkeeda uga anba qaado Dhismaha Madaxweynha Cusub ee Loo balansanyahay  30/4/2017. asagoona raaciyay in ay dhankooda ka go’antahay inay si wada jir ah u doonayaan in maamulka Galmudug uu ahaado mid mideysan si bulshada Gobolada dhexe horumar dhan walba taabanayo ay u gaaraan.