Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saakay aroortii dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Kontoroolka Kalabeyr oo 20 KM u jirta Magaalada Baledweyne.
Kontaroolka Kalabeyr wuxuu u dhow yahay xadka Ethiopia iyo Soomaaliya waana isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo maamulka gobolka Hiiraan.
Koontaroolkan waxaa mara gaadiidka isku xira koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa toogtay Saddex Askari oo ku sugnaa kontoroolka , waxaana ka dib ay la wareegeen degaanka Kalabeyr.
Al-Shabaaba ayaa Muddo kooban gacanta ku hayay,degaankaasi sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Gurmad ciidan ayaa hadda ka socda Magaalada Baledweyne , waxaana ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin meel u dhow degaanka Kalabeyr.