Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.
Xildhibaanada ayaa maanta lagu waddaa in ay doortaan Madaxweyne cusub ka dib markii uu horay isku casilay Madaxweynihii maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay, Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa laga dareemayaa qabanqaabada ay wadaan guddiga doorashada ee Galmudug.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in illaa saddex musharax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Shariif iyo C/qaadir Shirwac ay isku soo taageen doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Saddexda Musharax ayaa shalay khudbado ku saabsan waxqabadkooda ka hor-jeediyay Baarlamaanka, waxaana caawa ay ololahoodii ugu dambeeyey ugu jiraan qabashada xilkan, iyagoo Cadaado ka wada kulamo ay ku kasbanayaan Xildhibaanada Galmudug.
Labada musharax ee kala ah Xaaf iyo Axmed Shariif ayaa ugu cad cad, kuwaasoo loolanka ugu adag u geli doona doorashada qabashada xilka ugu sareeya Galmudug.
Boorsooyin lacago ay ka buuxaan ayaa maanta labada musharax waxay u daabuleen magaalada Cadaado, si ay lacagahaas loo adeegsadaan iibsiga codadka xildhibaanada ka qeyb qaadanaya doorashadan.
Wararkii ugu dambeeyey ee maanta naga soo gaaraya Cadaado ayaa sheegaya in inkastoo aan weli la bilaabin bixinta lacagaha haddana gorgortanka musharaxiinta iyo xildhibaanada uu marayo lacago u dhexeeya 3-5 kun oo dollar.
kala soco halkaan waxii war kusoo kordhaa doorashada Ka dhaci rabta magaalada cadaado