Masuuliyiinta Amaanka magaalada Boosaaso oo xiray dadkii soo abaabulay Banaanbaxii maanta ka dhacay Magaaladaas (Sawirro)

Magaalada Boosaaso ayaa saaka waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo shilinka Soomaaliga oo ganacsatada magaaalada Boosaso ay kala soocayso waxaana dibad baxaasi soo qaban qaabiyey qaar kamid ah siyaasiinta Puntland iyo Ganacsatada.

Inta la xaqiijiyey 4 Qof oo qaar kamid ah ay askar yihiin ayaa ku dhawacantay dibad baxaasi xili ay hor istaageen ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso balse ay Shacabku diidayeen arintaas.

Maamulka Gobolka Bari iyo taliska qeybta Booliiska Gobolka ayaa diiday dibadbaxa ay dadkaas sameynayaan,waxa ayna amar ku bixiyeen in xabsiga loo taxaabo horjoogayaasha banaanbaxaaysha oo ah mid rabshado watay.

Dibad bixii Saaka ka dhacay degmada Boosaso ayaa ahaa mid gabi ahaanba joojiyey isku socodka dadka iyo xarumaha ganacsiga waxaana qaar kamid ah dadka ay ku dhawaaqayeen kala soocida lacagta Shilinka Soomaaliga.