Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka oo laga qaaday Qoryaha Waaweyn ee Gawaarida la saarto

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay howlgal loogu tala galay in Magaalada looga aruuriyo Qoryaha waa weyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay  wateen Gawaari ay saaran yihiin qoryo waa weyn ayaa maanta laga qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Amarkaasi ,isla maanta lagu fuliyay taliyeyaal ka tirsan ciidamada dowladda.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa  11kii bishaan ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabi doono howlgal hub aruurin ah.

Qoryahan waawayn oo magaalada laga aruurinayo ayaa qayb ka ah qorshaha nabadaynta Muqdisho waa sida ay u dhigeen Mas’uuliyiinta Dowladda.