Masuuliyiin ka kala socotay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku kulmay Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa kulan looga hadlayay amniga waxa ay ku yeesheen Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro kala tirsan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, iyo xubno kale.

Waxaa kulankan si gaar ah looga hadlay ammaanka magaalada, sidii xal loogu heli lahaa amni darada ku soo laa laabatay gobolka Mudug, iyo sidii shacabka labada dhinac ay u wada shaqeyn lahaayeen.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa sheegay kulankan in diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa colaadaha ku soo noq noqday magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan amba qaadeynaa heshiisyadii hore ee Puntland iyo Galmudug, Gaalkacyo waxay u baahan tahay nabad, waxaan diyaar u nahay waqti badan inaan ku bixino arrintaasi, waxaan shacabka labada dhinac ka codsaneynaa in ay nabadda nagala shaqeeyaan”. Ayuu yiri Madaxweyne Camey.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay shirkan in uu ahaa mid hordhac ah, maadaama berri uu furmayo shir kale oo labada dhinac u dhaxeeya.

“Waxaan isku afgaranay dhamaan wixii aan isla soo qaadnay, waxay ahaayeen wax kooban, laakiin gudasho balaaran looga baahan yahay masuuliyad, looga baahan yahay wada shaqeyn, shacabka waxaan ka codsaneynaa in Ciidamada ay la shaqeeyaan.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeen Camey.