Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, ayaa ka hadlay dagaal faraha looga gubtay oo ay maalinimadii Axada Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ay kula galeen Deegaanka Golweyn, oo ku yaala inta u dhaxeyso Shalambood & Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Afhayeenka, ayaa sheegay markii labada dhinac ay is fara saareen in Ciidamadii Amisom ay noqdeen wax ku firxada beeraha iyo hawdka iyo wax ku baxay gacanta Al Shabaab.
Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in dagaal-yahanadoodu ay dul istaaggeen meydadka 39 ka mid ah Ciidamada Amisom, oo ay ku jiraan toddobo ka mid ah Saraakiishii Ciidamadaasi, oo uu ku jiro Sarkaalkii Ciidamada horkacayay.
Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan meydad kale iyo askar dhaawacyo qaba, oo ay la carareen Ciidamadii Amisom ee dagaalka lagu jebiyay, halka goobtii lagu dagaalamayna ay u hartay dagaal-yahanadooda, sida uu yiri.
Cali Dheere, ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay sahay u wadeen ciidanka ka joogga Deegaanka Buulo Mareer, balse ay dagaal-yahanada Al Shabaab is hortaaggan in sahaydaasi la gaarsiiyo ciidankaasi.
Marka laga soo tago Sheegashada Al-shabaab ayaa Cali Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo la hadlay Wakaalada wararka ee Reuters una sheegay inuu jiro qasaaro soo gaaray Ciidamada AMISOM oo dhimashadooduna ay tahay 23 Askari halka 1 askari oo Soomaali ahna ku jiro askarta Dagaalki shalay ku dhimatay ayna ayagu halkaas kasoo qaadeen Maydadkooda.
Dhanka kale Cali Dheere, ayaa soo hadalqaaday in Ciidamada Amisom ay toban sano dalka jooggan, iyagoo u yimid inay la dagaalaman sida uu sheegay Shareecada Alle, ha yeeshee ay maanta marayaan in boqolaal askari kaga dhimato cunnada iyo biyaha ay ciidankoodu u gaynayaan.
Taasi bedelkeeda, ayuu Cali Dheere ku faanay in dagaal-yahanada Shabaabka ay habeen iyo maalinba isaga kala gooshaan goobaha ay doonayaan.
Dagaalkii shalay ka dhacay aagga Golweyn, ayaa ka duwanaa dagaalada muddooyinkii ugu dambeeyay dhinacyadaasi ku dhex maraayay Gobolka Shabellaha Hoose.