Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka mudug ayaa ku waramaya in Qarax gaarigiisa loogu xirey Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Farxaan Cabdi Gaafaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka magaaladda gaalkacyo gudoomiye ku-xigeenka ayaa ka badbaaday qaraxa oo la doonayay in lagu qaarjiyo
Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa la ogaaday inaanu ku jirin gaarigiisa waqtiga uu qaraxu dhacayay, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Masuuliyiin hore oo Puntland ah ayaa lagu dilay qaraxyada caynkaan oo kale, waxaana ugu dabeeyay xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan.
Goobta uu qarxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada amanka Maamulka puntland kuwaasi oo halkaas ka sameeyay baaritaan.