Mas’uul ka tirsan Galmudug oo dil loogu hanjabay

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyada Galmudug ay u diideen inuu ka baxo Madaxtooyada.

Waxa uu sheegay in gaari uu watay ay Rasaas la dhaceen Ciidamada Madaxtooyada Maamulka Galmudug islamarkaana Gaarigiisa ay lugihii ka banjariyeen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug  in Madaxtooyada Maamulka  Galmudug ay weli Xabsi guri ku yihiin Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo asagoo ah Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin  ayaa waxaa dhawaan ku-sime Madaxweyne u doortay xildhibaano ka tirsan BaarlamAanka Galmudug oo xilkii ka qaaday Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).