Waxaa Dowladda Hoose ee Xamar ay Ganaax lacageed ku ganaaxsaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur.
Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan Hal Milyan oo Shiilinka Soomaaliga ah kadib markii sida la sheegay Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin,sidaasna uu ku bixiyay lacagtii lagu Ganaaxay.
Waa markii ugu horeysay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre lacag lagu Ganaaxi isla markaana uu bixiyo,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili ay weli jiraan Wasiiro kale oo u baahan in la dabagalo.
Inta badan wax xil ah la iskama saaro Qashinka wadooyinka daadsan ayadoo dowladda hoose ay dhowr mar hore degniino usoo jeedisay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.