Masaajid ku yaalla London oo rasaas lagu furay

Booliska London ayaa baaraya qof hubaysan oo rasaas ku furay bannaanka masaajid ku yaalla Seven Kings,iyadoo waqti laga maqlay rasaasta dadku tukanayaan  taraawiix.
Dad masaajidka ku jiray ayaa booliska ku wargeliyay dhacdaadaan , ka hor inta aysan hor istaagin nin hubaysan ,intaas ka dibna rasaas ayaa la maqlay,sida ay ku warrantay BBC-da.
Booliiska ayaa sheegay in askar ay ka mid yihiin kuwo hubaysan ay tageen masaajidka, isla markaasna aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur soo gaaray masaajidka.
“Baaritaanna waxaa lagu hayaa caddaymihii meesha laga helay nooca hubka ee la adeegsaday ayaana laga garan karaa”. ayaa laga soo xigtay booliska.
Guddiga Muslimiinta ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray  ayuu imaamka masaajidka Mufti Suhail ku sheegay in aysan wali caddayn ujeedadda uu lahaa qofka laga shakisan yahay. Wuxuu dadka ugu baaqay in ay ka baaqsadaan faafinta wararka la isla dhexmarayo een wali la xaqiijin.
Waxaa sare u kacay walaaca laga qabo ammaanka goobaha cibaadada ee dunida oo dhan ka dib weerarradii dhawaan dhacay.
Bishii Maarso ayaa weerar lagu qaaday dad badan oo ku jiray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, 50 ayaana halkaas ku geeriyooday.

Goobsan Media inc