Markab Wayn oo ku raran Shixnad Gar gaar ah oo kusoo xirtay Dekedda Muqdisho (Sawiro)

Waxaa maanta Dekedda wayn ee Muqdisho kusoo xirtay Markab wayn oo sida Shixnad Gar gaar ah, Gar gaarkan ayaa waxaa soo dhiibay dowladda Indonesia taasoo ugu talo gashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaarahu saameeyeen.

Gudoomiyaha Hay’adda ICT ee dalka Indonesia Axyaa Wudiin oo Faahfaahin ka bixiyay deeqdaan ayaa waxaa uu sheegay in deeqdaan ay iska soo aruuriyeen Shacabka dalkaasi , islamarkaana dowladda Indonesia ay diyaar u tahay in ay labo jibaarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Munaasabadii  deeq wareejinta ayaa waxaa ay si balaaran ugu mahadcelisay dowladda Indonesia.

Maryan Qaasim ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed hadda ay u baahan yihiin Gargaarka ,iyadoona deeqdaasi si toos ah ugu Wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Bashiir Axmed Saalad oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in dowladda Indonesia iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka ay uga mahadceliyaan deeqdaan Maanta lagu Wareejiyay.

SAWIRO