Markab sida Gar gaar Raashin ah oo kusoo wajahan Soomaaliya (Sawiro)

Markab sida Raashin Gar gaar ah ayaa usoo baqoolay dhanka Soomaaliya, Markabkaan ayaa waxaa soo diray dowladda Turkiga taasoo ay ku sheegeen in ay ku caawinayaan Walaalahooda Soomaaliyeed ee ay abaartu ku haysato Gobolada Dalka Soomaliya.

Markabkaan oo soo sida Raashin tankiisu yahay 13,000 tan,ayaa Maalmaha ina soo aadan waxaa la filayaa in uu soo gaaro Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo ka soo baxay Magaalada Caasimada ah ee Ankara ee dalkaasi Turkiga.

Raashinkan Gargaarka ah ayay mas’uuliyiintu Turkigu ku sheegeen mid ka kooban Nuucyo kala duwan oo raashinna ah, waxaana xusid mudan in dowladda Turkigu aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Gar gaar soo garsiiyaan dalka Soomaaliya ayagoo sidaan oo kale sanadii 2011-kii ugu soo Gurmaday dadka Soomaalieed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Veysi Kaynak, ayaa xaqiijiyay in dowladda turkiga ay markabkaas Soomaaliya u soo dirtay,waxa uuna sheegay in Maraakiib kale oo sida raashin loo soo diri doono dalka Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa oo aan ka  bilaabi doonaa Soomaaliya mashaariic horumarineed,” ayuu yiri Kaynak, isagoo intaa ku daray in Turkiga uu  Muqdisho ka waddo dhismaha xarun waxbarasho oo lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in tiro ka badan 6 Million oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah.

Inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar saameysay dadka iyo duunyada ku nool in kastoo haatan ay tahay mid sii yaraaneysa oo waxa meelaha qaar ka da’ay roobkii Gu’a oo aad moodo inuu  ku yaryahay Soomaaliya balse ay ku diirsadeen dad badan oo xoolo dhaqato ah.

SAWIRO

XIGASHO ANADOLU AGENCY TURKEY