Mareykanka oo ka fiirsanaya taageerada Ciidamada Danab, kadib dagaalka Guriceel.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka fiirsaneyso taageerada ay siiyaan Ciidamada Kumaandooska ee Danab oo ka mida Milatariga Soomaaliya.

Ciidamada Danab qeybta fadhigoodu yahay Galmudug ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay isku hayaan ciidamada Galmudug iyo Dowldda Federaalka oo dhinac ah iyo kooxda Ahlu suna.

Qoraal uu Idaacadda VOA-da u diray Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku shegay inuu Mareykanku la socdo wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku lug lahaayeen dagaalka Galmudug.

Wuxuu kaloo sheegay in ay arkeen warar ay warbaahintu ka qortey in taliye Cabbdilatiif Fayfle iyo askar kale oo ka tirsan dhinacyadii dagaalmayey lagu diley weerarkaas, ayna tacsi gaarsiianayaan qoysaska iyo ehellada dhamaan dhinacyadii uu saameeyey weerarkaas.

Qoraalkan Sarkaalka oo ka tirsan safaarada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqey in dhamaanba dhinacyada dagaalamaya ay joojiyaan howgallada Milatari ayna qaataan dhabaha wada-hadallada siyaasdeed oo lagu gaaro xal nabadeed.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusey in Mareykanku ay siiyaan tababro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaagaan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Sarkaalka ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa sheegey in iyagoo eegaya dagaalkii Guriceel ay dib u eegi doonaan taageerada ay siiyaan Danab, si loo xaqiijiyo in taageeradaas loo adeegsado si ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com