Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 22- Bishaan May ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Baladul-Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba xubnoon oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana dadka ku dhibaateyn jiray dhulka Miyiga ah ee deegaanka Baladul-Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,sida uu sheegay Heidi K. Berg, oo ah Agaasimaha Sirdoonka u qaabilsan Africom Qaarada  Afrika.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah,isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay,waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waana duqeyntii 38aad ee Sanadkaan 2019 kaliya uu Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya.