Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay meel u dhow Bariire.

Taliska Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command – AFRICOM) ayaa ka fuliyay weeraro cirka ah bartilmaameedyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, meel ku dhow deegaanka Bariire ee bartamaha Soomaaliya.

Weeraradan cirka ah waxaa lagu taageerayay howlgal dhulka ah oo ay hogaaminayeen ciidamada saaxiibka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ka dagaalamayay argagixisada deegaankaas.

AFRICOM, iyadoo garab ka helaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaysaa tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ku aaddan:

Inay qorsheeyaan weerarro,

Inay fuliyaan falal argagixiso oo khatar ku ah dalka Mareykanka, ciidankiisa, iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda.

Taliska Mareykanka ma sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta ay fuliyeen.

Ahmed Hussein Adam, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com