Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn cirka ah 11-kii bishan April oo ku beegneyd Arbacadii la soo dhaafay ka fuliyay duleedka waqooyi galbeed magaalada Kismaayo.
Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalla, waxaana la bartilmaameedsaday gaadiid ku habeysnaa aaladaha qarxa.
Bayaanka ka soo baxay Taliska Mareykanka ayaa lagu sheegin in dagaalamayal lagu dilay duqeynta.
Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha ka dhanka ah oo lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.