Mareykanka oo dilay Sargaal ka tirsanaa Al-shabaab oo Mas’uul ka ahaa geeridii Askari ka tirsan Ciidankooda.

Afhayeenka  Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM  ayaa sheegay inay dileen Dagaalame ka tirsanaa Alshabaab, kaasi oo qeyb ka ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo sannadkii hore weerar Hoobiyayaal ku qaaday Askar Maraykan ah oo ku sugnayd Deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalladda Kismaayo.

Afhayeenka AFRICOM oo lagu magacaabo Kolonel Chris Karns oo la hadlay Wargeyska Military Times waxa uu xusay in Dagaalamahaasi oo uu magaciisa ku sheegay C/llaahi  Jibiyow mas’uul ka ahaa duqeyntii Hoobiyaha ee bishii June 8-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii  u uku geeriyooday Askari Maraykan oo lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Alexander Conrad, iyadoo 4 kalena lagu dhaawacay.

Afhayeenka AFRICOM waxa uu tilmaamay in Duqeyn Diyaaradeed oo ay geysteen bishii la soo dhaafay ee April 19-dii ku dileen 2 Dagalaamayaal Alshabaab, oo mid ka mid ahaa C/llaahi Jibiyow oo madax ka ahaa Dagaalamayaal weeraro badan oo Hoobiyayaal ah ka geystay Dooxadda Gobalka J/Hoose, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Askariga Maraykanka ee lagu dilay duqeyntii sannadkii hore ka dhacday Deegaanka Baar Sanguuni ee Alexander Conrad,waxa la sheegay inuu Ciiddanka Maraykanka ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2010-kii, isla markaana uu ahaa  Soo-ururiyaha xogaha Sirdoonka.