wararka ka imaanaya mareekanka ayaa waxay sheegayaan in Wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka, ay sheegatay in ciidamo Maraykan ahi weerar ay ka fuliyeen dalka Suuriya gudihiisa, ay ku dileen kaaliye aad ugu dhaw hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abu Bakr al-Baqdaadi.
Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka, John Thomas, ayaa sheegay in Cabduraxmaan al-Uzbeki la dilay lixdii bishan Abriil laakiin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah muu bixin.
Waxa se uu sheegay in Al-Uzbeki uu ku lug lahaa qorshaynta weerarkii lagu qaaday xarun caways oo ku taal Istanbul horraantii sannadkan oo lagu dilay ugu yaraan sagaal qof.
waxaa lagu qiyaasa in askar 500 boqol oo ciidamo gaar oo Maraykan ahi joogaan gudaha Suuriya, ay hadana dhif tahay in ay hawl gallo ka fuliyaan, muhiimaddooda koobaad na ay tahay uun in ay talo ciidan siiyaan kooxaha dalkaas ee dagaalka kula jira kooxda la baxday Dawladda Islaamka, saas ay tahayna wali xaaladda suuriya ay tahay mid aan salfadhiyo lahayn ayadoo Ruushkana iyo mareekankaba ay uga sii dareen xaaladda murugsan ee Dalka Suuriya.