Kulan dhex maray taliyaha ciidanka Mareekanka iyo taliyaha ciidanka midowga AFrica ee (AFRICOM) ayaa ka wada halday xaalada amni ee Soomaaliya iyo ciidankii dhowaan dowladda mareekanku usoo dirtay Soomaalia.
Sidoo kale waxay carabka ku adkeeyeen in ciidankaas lasoo diray aysan istiraatijiyadii dagaalka aysan waxba ka badali doonin balse kaliya ay ku ekaan doonaan inay tobabaro siiyaan ciidanka Soomaaliyeed iyo sidoo kale inay tala bixin ku darsadaan Howlgalada lagula dagaalamayo Alshabaab.
Taliyayaashu waxa ay sheegeen hadafkooda in uu yahay sidii Soomaaliya ay ula wareegi laheyd Amnigeeda 2020-ka, ama 2021-ka, xilligaasi oo la filayo in ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.
Ergayga Gaarka ah ee Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay 2018-ka in ay bilaabayaan ka bixista Soomaaliya, si Ciidamada Soomaaliya ay ula wareegaan Amniga.
Ciidamo 28,000 ah oo ka tirsan AMISOM ayaa hada ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo ilaaliya Madaxda Dowladda Federaalka, iyaga oo sidoo kale Dagaal kula jira Shabaab.
Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan goobaha ugu waa weyn ee dalka, sida in ay ilaaliyaan Amniga Dekaddaha, Garoomada Diyaaradaha iyo meelo kale.