Sida lagu qoray Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA in ka badan 100 kooxda Alshabaab ah ayaa lagu dilay Duqeyn dhinaca Cirka ah oo ay geysteen Diyaaradaha Maraykanka.
Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo ay lahaayeen kooxda Al Shabaab oo ku yaalay deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii January ee sanadkii 2016 Al Shabaab ay ku dileen inkabadan 100 askari oo ciidanka dowladda Kenya ka tirsanaa.
Weerarkan dhinaca cirka ah ayaa yimid, kadib, markii ay dhwaaan Saraakiil Maraykanka xaqiijiyeen inay Ciiddamo cusub u soo daabuleen Somalia ay Tababar iyo Qalab u siiyaan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya hadalka Sarkaalkaasi ku sheegay in Duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 100-Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab. Marka laga reebo Sheegashada Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maraykanka oo Wakaalada XINHUA u waramay,
©Goobsan Media