Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabab oo lagu dilay dagaal xalay ka dhacay Buuralayda Af-urur ee gobolka Bari (SAWIRRO)

Ku dhawaad 10 ka tirsan Argagaxisada Alshabaab ayaa geeryoodey kadib marki Ciidamada Darawiishta qaybta gobolka Bari ay dagaal culus kala hortagey Argagaxisada Alshabaab oo qorsheynayey in ay weeraro gaadmo ah kuso qaadaan taliska ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Af-Urur.
Ciidamada Daraawiishta ayaa helay xogta Argagaxisada Alshabaab,waxaana markiiba ciidanku sameeyeen weraar iyo difaac xeeladeysan oo dabin loogu dhigey Argagaxisada waxaana soo gaarey khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana weli socda dabagalka firxadki Argagaxisada.
Howlka waxaa hogaaminayey Cornel Siciid Nuur Shire Taliyaha Qeybta Bari ee ciidamada Daarwiishta Puntland.
Jabril Yahye Isse                                                                                                Goobsan Media Inc.