Maleeshiyaad Ka tirsan Al-Shabaab Oo Weerar ku qaaday Wasaarada Gaashaandhiga

Weerar Caawa lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay July 5, 2017

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabab ay weerar ku qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, magaalada Muqdisho.

Weerarka ayay kooxdan u adeegsatay rasaas iyo Bambooyin, waxaana la maqlayay rasaas loogu jawaabay oo daqiiqado socotay, iyadoo ciidamada ilaalada xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ay weerarka iska caabiyeen.

Dableyda ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib markii ilaalada Wasaarada Gaashaandhiga ay kala kulmeen iska caabin culus. lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay shaqaaqadaas,