Magacii Xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya oo la bedelay

Qoraal ka soo baxay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in magacii hore ee uu urur goboleedka IGAD ku howlgalayay dalka Soomaaliya la bedelay.

Xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya oo la furay sanadkii 2008-dii ayaa howlaha loogu talagalay inuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka caawiyo dowlada federalka Soomaaliya  nabad dhisida,ammaanka iyo xasiloonida iyadoo loo marayo dib u heshiisiin heer qaran.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya uu lahaa labo magac taasoo keentay in ay abuurto jahwareer ka dhashay aqoonsiga xafiiska.

Sidoo kale Qoraalka  ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta xafiiska uu ku howlgalayo magaca ah Xafiiska Howlgalka Gaarka ah IGAD ee dalka Soomaaliya,”IGAD Special Mission to Somalia (ISMS).