Magaca Sarkaal la dilay oo ka tirsanaa Shababa oo la shaaciyay

Booliska Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay magaca Nin ay ku sheegeen in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab kaas oo qaabilsanaa Degmooyinka Hiriwaa iyo Yaaqshiid.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde oo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen howlgal ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaasim ayaa sheegay in ABuukar howlgalka lagu dilay ka hor isaga dilay hal Askari mid kalena dhaawacay,isaga oo xusay in Ciidanka ay doonayeen qabashadiisa hayeeshee uu dagaallamay sidaasna Askari Boolis ah ku dilay.

Waxaa uu sheegay in Abuukar uu ka tirsanaa AL-shabaab islamarkaana uu la shaqeynayay Rag horay qaar loo dilay kuwana loo xiray.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde, Ciise Tarabuun oo xiran iyo Jacfar Kuukay oo horay loo dilay ay wada shaqeynayeen kana tirsanaayeen amniyaadka AL-shabaab.