Magaalada Mandera oo laga qaaday bandaw saarnaa ku dhowaad 9 bilood

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay bandawgii Habeenkii Saarnaa Magaalada Mandera in laga qaaday , islamarkaana dadka kunool Magaaladaasi habeenkii ay shaqeysan karaan.

Ujeedka ugu weyn ee Bandowga looga qaaday Magaalada Mandera ayuu ku sheegay Madaxweyne ku xigeenka Kenya in ay tahay in dadka kunool Magaaladaasi Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay cibaadeystaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa horay u aqbalay baaqii Culimada iyo Ganacsatada degaanka ee ahaa in bandowga laga qaado

Magaalada Mandera iyo degaanada hoos yimaada ayaa muddo ku dhow 9-bilood waxaa saarnaa Bandow.

Bandowgaan ayaa yimid ka dib markii ay kordheen Weerarada ay geysanayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.