Magaalada Baydhabo oo maanta lagu qabanayo dooradhada 3 Kursi oo ka banaan Golaha Shacabka.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu qabanayaa doorashada sadex kursi oo ka banaan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta la dooranayo waxaa kala baneeyey Xuseen Cismaan Xuseentaliyihiihore eehay’adda NabadsugiddaAxmed Cabdulle Mayow (Cornel Ruush) oo dhintay iyo Madaxwaynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku sugan Baydhabo ayaa maamulaya hawsha doorashada oo goor dhaw bilaabanaysa, Telefeshinka Qarankuna toos u soo tabin doono.

Hadaba qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota magaaladaasi baydhabo ee xarunta gobolka Bay,iyadoo ay diyaar yihiin musharixiinta u tartamaysa buuxinta boosaskaasi.