Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogolaaday weerar ay qaadeen ciidamo ajnabi ah oo lala beegsaday hogaamiya ka tirsan kooxda Alsahbaab.

Weerarkan oo ka dhacay agagaarka degaanka Tooratoorow, Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu beegsaday, laguna dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab, kaasoo aan magaciisa la sheegin.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha uu u ogolaaday weerarka wax uu ugu yeeray saaxiibada Caalamiga ah oo sida muuqata loola jeedo Mareykanka.

Hoggaamiyaha Alshabaab ee weerarka lagu dilay ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay weerarrada qaraxyada iyo khaarijnta ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo aan magaciisa la shaacin.

Howlgalladda ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya ayaa waxaa wada sheegta dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka iyadoo faahfaahinta weerarka ay inta badan ka timaado taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM.