Madaxweyneyaasha Somalia iyo Kenya oo Maanta la dhexdhexaadinayo,

Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa la filayaa inuu Barqanimadda maanta dhexdhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waana Kulankii ugu horreeyey ee ay Labada Hoggaamiye weji-ka-weji u yeeshaan tan iyo markii ay Dowladda Kenya soo cayriyeen  Danjirihii Somalia, kuna eedeeyeen Somalia inay xaraashayaan Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee Xuduud-baddeedkooda, waa sida ay ku doodeen.

Dhexdhexaadinta Abiy Ahmed uu garwadeenka ka yahay ayaa ku soo beegantay, iyadoo aysan Dowladda Kenya wax raalli-gelin Siyaasadeed ka bixinin Hadalkii ay ugu hanjabtay Somalia iyo go’aankii ay ku soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi, Ambassador Tarzan.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo, Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed ayaa la filayaa in si nabad ah lagu xaliyo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo lagu magacaabo Nigusu Tillahun ayaa sheegay inta ay Wada-hadalladda Nabadda ka socdaan Nairobi inay Hoggaamiyayaasha ka wada xaajoon doonaan qaabka xal nabadeed loogu dhmaayn karo Khilafkooda, ka hor intaysan arrintu u noqonin Mushkilad weyn oo Gobalka saamaysa.

Nigusu Tillahun  oo la hadlay Idaacadda iyo TV-ga Ethiopia ee ETV waxa uu xusay in Xiisaadda Somalia iyo Kenya tahay cabsi weyn oo ku soo fool leh Gobalka, iyadoo ay Dowladaha Calaamka si dhow u daawanayaan xiisadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Dhexdhexaadinta ee Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaan la ogeyn in lagu soo af-jari karo Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Labada Dal iyo Muranka Milkiyadda Xuduud-baddeedka ee labada dal, iyadoo la og yahay inay Dacwaddaasi hor taallo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.