MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUNAASABAD SOO DHOWEYN AH LOOGU SAMEEYEY BAYDHABO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa caawa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo ay munaasabadda ka soo qayb galeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka KG, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.