Muqdisho, Ogoosto 12, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku ammaanay Guddiga Doorashooyinka Qaranka tallaabooyinka ay u qaadeen qabsoomidda doorashooyinka tooska ah.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaan-gelinta, si ay u helaan xaqa dastuuriga ah ee ku saabsan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka iyo masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada iyo masiirka dalka.
“Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha waa mahadsan yihiin. Doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka dhacdo waa rajo muddo dheer soo socotay, waxay ku qornayd Dastuurkeenna ku meelgaarka ahaa. Dadka Soomaaliyeed in ay u soo noqoto awooddooda ku saabsan in ay yeeshaan go’aanka doorashada hoggaankooda ha noqdo Xildhibaan heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah, Madaxweynaha dalka iyo Hoggaanka heer dowlad goboleed”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey laamaha amniga, Guddoonka degmooyinka iyo bulshada deegaannada ay ka socoto is-diiwaan gelintau, kuwaas oo si masuuliyad leh isula wada geeddi socodka is-diiwaan gelinta doorashada.
DHAMMAAD