MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO UGA MAHADCELIYEY DOWLADDA IMAARAADKA CARABTA GARAB ISTAAGGA UMADDA SOOMAALIYEED EE GURMADKA ABAARAHA.

Muqdisho, May 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kula kulmay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta iyo Danjire Maxamed Al Cusmaan uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqda lacageed ay maanta ku wareejiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo gaaraysa 9.6 Milyan Doolar.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Ergey Gaar ah oo qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, taas oo ka turjumeysa sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta hannaan daahfuran oo deeqaha Caalamiga ah lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda u fidiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo xilligan la halgamaya daruufo adag oo ay sababeen isbedelka Cimillada. Waxa uuna Alle uga baryey Ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatooyinka abaaraha.
DHAMMAAD.