Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta la wareegay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda “SAWIRRO”

Munaasabad Maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Madaxweynihii hore ee dalka  Ee xilka ka dagay Maxamed Abdullaahi Farmaajo Xilka si rasmi Ah ugu wareejiyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni  ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadalay Xafladii xilwareejinta Maanta ayaa soo hadala qaday ciidamadii kumaqana Dalka Eretareeya “5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka” ayuu yir Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo isna Munaasabadda ka hadlay ay uga mahadceliyay Madaxweynihii hore howshii u soo qabaty isagoona Sheegay in inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka sida uga dhakhsiyaha badan  dib loogu soo celin lahaa.

“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh

Madaxweynihii hore ee xilka baneeyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-kii waxaana uu xilka haayay in ka badan 5 Sano.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc