Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulan looga hadlayey Sugida amniga iyo Dagaalka Al-shabaab deeganada Galmudug waxaa uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Danjiraha Midowga Africa Francisco Caetano Jose Madeira,Taliyaha Ciidamada AMISOM Janaraal Cismaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale.
Kulan ayaa waxaa diirada lagu Saaray dar-dargalinta Howlgalada Ciidamada ee Deegaanada Galmudug iyo Maamulka Galmudug laga Ganacsiiyo Xalinta Deegaanada uu ka Maamulo Gobalada Bartamaha Soomaaliya inta lagu guda jiro Sanadka 2017-ka.
Madaxweyne Xaaf ayaa Madaxda Howlgalka Midowga Africa iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM waxaa uu ka dalbaday in la Fuliyo Howlgalo ka dhan ah Al-shabaaab ka hor dhamaadka Sanadka 2017- iyo in Galmudug laga Taageero Horrumarinta Ciidamada Amniga.
Kulanka ayaa ugu danbeyntii lagu soo hadal qaaday Xaalada Abaarta ee ka Jirta Deegaanada Galmudug iyo Saameynta Al-shabaab ay ku leeyihiin Gurmad la gaarsiiyo Deegaanada iyo Dagmooyinka Gobalada Dhexe ee Al-shabaab ay Maamulaan waxaana AMISOM iyo Galmudug ay isla garteen Xoojinta Howlgalka si dadka deegaanadaa Gar-gaar loogaarsiiyo.