Madaxweyne Waare oo loo diiday inuu gudaha u galo Magaalada Beledweyne

Madaxweyne Waare ayay dibadbaxayaal Careysan iyo Ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed u diideen in gudaha uu u gala baladweyn.
Warar lagu kalsoonyahay oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare oo maanta galinkii danbe ka dagay garoonka diyaaradaha baladweyn ayaa ku guuldareystay in gudaha uu u galo baladweyn .
Ka dib markii gawaaridii galbineysay ay u diideen in gudaha baladweyn uu galo ciidamo aad u hubeysan oo la rumeysanyahay in ay ka amarqaataan yuusuf dabageed iyo dibad baxayaal careysan .
Waare ayaa caawa ku hoyanaya deegaanka ceel jaalle ee duleedka baladweyn .
Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay waare balse warbaahintii garoonka ku soo dhaweysay waxa uu u sheegay in uu gudaha baladweyn kula hadli doono saxaafadda .