Madaxweyne Paul Kagame oo Si weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti (SAWIRO)

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti kadib  Casuumaad uu  ka helay madaxweynaha Dalkaas Mudane Ismaciil Cumar Geelle,

Madaxweyne Kagame ayaa waxaa  si weyn loogu soo dhaweeyay gooraanka diyaaradaha ee magaalada  Djabuuti, Wuxuuna Salaan Sharaf ka gudoomay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas,

Booqashada madaxweynaha Rwanda ayaa qaadan doonto mudo labo cisho, isagoo inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulamo la qaadan doono Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii hore booqasho ku tegay Kigali ee dalka Rwanda, iyadoo xiriirka labada dal sii xoogeysanayay mudooyinkii u danbeeyay.

©Goobsan  Media