Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo loo diiday inuu Muqdisho usoo safro

Wararka aan ka heleyno Maanta Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ishor istaag lagu sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Ciidmo aya la sheegay in ay u diideen in uu ka soo dhoofo Garonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado isaga iyo Xubno la socday, waxana ilaa iyo hada aan la ogeyn waxa sababay arrintaas.

Ishor istaagaan Maanta lagu sameeyay madaxweyne ku xiugeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ku soo aadayaa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey.

Warqad Qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug taasoo lagu taageeray Xulufada uu Dalka Sacuudiga hogaaminayo kuwaas oo xariirka u jaray Dalka Qatar.

dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas ayaa ka horyimid warqadii kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xaaf taasoo abuurtay in khilaaf soo kala dhex galo Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Galmudug.