Madaxweyne Gaas oo Dalka Ethopia u dhoofay (SAWIRO)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirkii lixaad ee Tana Forum oo lagu qabto magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Itoobiy sanadkiiba hal mar.

Madaxweynaha ayaa waxaa garonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo ku sii sagootiyey masuuliyiinka ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Shirkani Tana Forum ayaa sanadkan looga hadlaayaa Maamulida Kheyraadka dabiiciga ah ee Qaaradda Afrika waxaana uu socon doonaa maalmaha 22-23 Abril.

Madaxweynaha Puntland ayaa saddexdii sano ee u danbeysey ka qayb-qaatey shirka Bahir Dar ee Tana Forum ee uu asaasey raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Males Zenawi, Lama oga danta ugu jirta Puntland ka qaybgalka shirkan iyo kuwii ka horeeyey, oo aan ka ahayn kulamo Madaxweynuhu la qaato qaar kamid ah Madaxda Afrikaanka ee shirkaas ka qaybgala.