Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta tegay Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo uu ka fatahay Wabiga Shabeelle,isla markaana badi Shacabkii deganaa ay barakaceyn.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu tegay deegaanka Ceel Jaale e duleedka Magalada Baladweyne,kuwaas oo ka barakacay daadadka fatahaada Wabiga Shabeelle,iyaga oo halkaasi ku dhibateysan.
- Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay ku dadaaleyso in laga hortago musiibooyinka ay sababeen fatahaada laakin ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay la Sahqeeyaan dowladda.
Waxa uu shegay in dhawan gurmad deg deg ah lasoo gaarsiin doono Shacabka Baladweyne ee uu saameyey wabiga,waxa uuna kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyed in ay la dagaalamaan cidkasta dowlada kasoo horjeeda.