Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safirika cusub ee Shiinaha

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya.

Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya, iyadoo labada dolwadood uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhoweeyay safiirkan cusub, waxaana uu sheegay in dowladda Shiinaha ay tahay saaxiib dhow oo soo jireen ah oo ay Soomaaliya leedahay.
Safiirkan ayaa waxa uu baddelay safiirkii hore Mr. Wei Hongtian kaas oo afka soomaaliga si wanaagsan u yaqaanay islamarkaana lasoo magacaabay December 2014.

©Goobsan Media