Madaxweyne Farmaajo oo u hanjabay Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban uu kaga hadlayay Hambalyeynta Munaasabadda Ciidul Fidriga ayaa ku soo hadal qaaday ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in amniga dalka ay caqabad ku yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago weerarada Shabaab.

“Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida oo ah ciidamada xasilinta, oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii shacabka ay uga difaaci lahaayeen qolooyinkan hororka ah oo caadeystay in ay qaraxyo ka geystaan magaalada Muqdisho oo ay ku laayaan shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumarba.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka shaqeyneyso sidii ay magaaladan ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo xasilooni, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab uga digay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga baaqay in ay ka waantoobaan arrimahaasi, oo ay joojiyaan daadinta dhiigga.

“Waxaan uga digayaa qolooyinka argagixisada ah oo nabadiidka ah oo caadeystay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, in ay ka waantoobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka ku hayaan, waxay dowladda ka shaqeyneysaa sidii ay uga hortagi laheyd falalkaasi argagixisada ah,” Ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya.